Produsert av Supervisuell Supervisuell

Hjelp! Barnet mitt hører ikke – Somali


Waxaan ka helnay jawaab celin aad u wanaagsan oo ku saabsan macluumaad taxana ah ee la yidhaahdo “Caawiya, ilmahaygu waxba ma maqlo ” markii uu soo baxday taxanuhu 2017, waxaan u soo saarnay laba qaybood oo cusub oo taxane ah 2022. Qaybahaan waxaa daadihiye ah Maxamed Yusuf Xasan, waxaan ku weydiinaynaa su’aalaha ku saabsan luuqadaha badan, kuwaas oo faa’iido u leh ilmaha, iyo nooca agabka ay heli karaan qoysaska leh carruurta maqalka naafada ah. Maxamed waxa kale oo uu ka sheekeeyay korintiisii, iyo sidii uu qoyskiisu ula kulmay luqadda dhegoolaha ee Norway, markii qoyskiisu halkan u soo haajireen.

Luqado badan oo faa'iido leh

Maxay ka dhigan tahay in lagu hadlo luqado badan iyo waa maxay faa’iidooyinka ay u leedahay ilmahaaga?Qaybtan waxa aan kula kulmaynaa Maxamed Yuusuf Xasan oo ka warramaya sidii uu afaf badan ugu soo barbaaray. Intaa waxa dheer, waxa uu waraysi la yeeshay Hanne Gram Simonsen, oo ah borofisar ku takhasusay cilmiga afafka.Tani waa horumar dheeraad ah oo ku saabsan taxanahayaga macluumaadka “Caawimaadda, ilmah ilmahaygu waxba ma maqlo ” ee waalidiinta carruurta maqalka naafada ah. Qaybta 1 baad  ee 2. Waxa soo saaray 2021 by Supervisuell oo lakaashanaaya Ururka Dhagoolayaasha iyo TV ka dhagaaloaha, oo taageero ka helaya ururka (stiftelsen) Dam.

Luqado badan, fursado badan

Maxaa khayraad (agab) ah oo loogu talagalay waalidiinta leh carruurta maqalka naafada ah ama dhegoolaha? Maxaase loo soo bandhigaa carruurtaa laftooda?Qaybtan waxa uu Maxamed Yuusuf Xasan uga warramayaa halka aad ka heli karto agab iyo wax-soo-saar wanaagsan, iyo waxa ay carruurta laftoodu xaq u leeyihiin kuwa maqalka naafada ah ama dhegoolaha. Intaa waxaa dheer, waxaan aragnaa cajalado ka mid ah taxanaha “dadka luqadda calaamadaha /dhagoolaha”.Tani waa horumar dheeraad ah oo ku saabsan taxanahayaga macluumaadka “Caawimaadda, , ilmahaygu waxba ma maqlo ” ee waalidiinta carruurtoodu maqalka naafada ah. Qaybta 2 ee 2. Waxa soo saaray 2021 by Supervisuell oo lakaashanaaya Ururka Dhagoolayaasha iyo TV ka dhagaaloaha, oo taageero ka helaya ururka (stiftelsen) Dam.

Caruurta dhegaha la´iyo kuwa dhegaha culus markay waawaynaadaaan

Waalidka ogaadaa in caruurtoodu ay dhego laadahay ama dhegoculustahay, Waxa laga yaabaa in ay ku adkaato in ay suuraystaan sida mustaqbalku noqonaayo. Waxa caawiin karta in la arko dadka waaweyn ee dhagaha la´, oo caadiyan si la mid ah dadka kale isu deberaaya. Miyaad garanaysaa cid dhawaan ogaatay in caruurtooda maqal koodu hooseeyo? Daawadsii filimkan.

Caruurta dhegaha culus xuquuqdooda

Marte Eidsand Kjørven waxay tahay garyaqaan, hooyona u tahay ilmo dhego culus. Halkan waxay kaga waramaysaa Xeerka xanaanooyinka §19 a iyo §19h, kuwaas oo ku saabsan xuquuqda barashada luqadda dadka dhegaha la´ iyo xuquuqda caawimada barashada gaarka ah. Ogow ilmohaaga xaqqiisa!

La xiriir ilmohaaga dhegaha culus

In muqalku hooseeyo macnaheedu ma aha xiriirku xunyahay. Waxa aan tusaynaa talooyin fiican oo lagula xiriiri karo caruurta dhegaha culus.

Aksel waxa uu yaqaanaa laba luuqadood

Aksel waxa uu ku dhashay dhego la´aan, balse bartay laba luuqadood, luqadda norwiijiga iyo luqadda dadka dhegaha la´

Khibradda loo yeeshay qalabka dhegaha

Miyaad rabtay in aad ogaatid siday tahay in qofku isticmaalo qalabka dhegaha ama cochlea implantat? Anette og Aleksander waxay ay koreen iyaga oo dhego la´, waxaanay ka sheekaynayaan waayo khibradda ay u leeyihiin.

Caruurta dhegaha la´iyo kobaca luqadda

Xiriirku waa muhiim laga bilaabo maalinta koowaad! Khabiirka cilmu-nafsiga Mari Anne Eliassen waxay halkan kaga sheekaynaysaa koboca luqadda ee caruurta dhegaha culus. Ha sugin-ha ku kaaftoomin qaab kaliya oo loo wada xiriiro!

Taa waan isu sheegi lahaa

Maxaan isu sheegi lahayn, markii aan halkaa taagnayn oo aynaan garanayn wax aan samayno?

Filimkeena toddobaad ee ugu dambeeya taxanaha, waxan la kulmaynaa Ketil iyo Line oo dareensan in ay markeliya uun heleen ilmo dhego la´.

Prosjektleder: Ketil Vestrum Einarsen

Produsert for Norges Døveforbund av Supervisuell med støtte fra ExtraStiftelsen 2017.
Arabisk, somalisk og urdu språkversjoner med støtte fra Stiftelsen Dam 2020-2021.

Se også prosjektets Facebook-side https://www.facebook.com/barnetmitthoererikke/

(C) 2017-2021 Supervisuell